Xog Dheeraad ah oo ku saabsan Sababta Shaqalada looga Joojiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu maanta soo saaray shaqada uga joojiyay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Musane Cabdisaciid Muuse Cali.

Wasiirka oo muddooyinkii dambe ku kacayay falal musuqmaasuq xargaha goostay ayaa ugu dambeyn sababsaday markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya una rarnaa ganacsato qabiilkiisa ah in uu fasaxay in uu ku xirto dekad kutaalla dalka Cumaan.

Markabka dhuxusha siday oo lacagta aad u badan kasoo xarooneysay ayaa ka ambo baxay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, waxaana markabka u rarnaa ganacsato u badan kuwa ku qabiil ah Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muran iyo khilaaf ka dhashay markabkan dhuxusha qaaday ayaa horey u sababay in shaqada laga joojiyo safiirkii dalka Cuman u joogay Soomaaliya, waxaa sidoo kale arrintan isku khilaafay Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiir Cabdisaciid.

wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Musane Cabdisaciid Muuse Cali.

Wasiirka oo ahaa nin awwood badan ku na tashanayay garbaha Farmaajo oo saaxiib dhaw ahaayeen ayaa sida uu doono sameeyay, waxa uuna qoray warqad lagu fasaxayay markabkaasi dhuxusha waday ee ku xirtay dekadda Cuman.

Ra’isul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn go’aansaday in shaqada ka joojiyo wasiirkii isku haleenayay saaxiibtimada Farmaajo maalin kaddib markii Villada ka baxay, waxaana wasiirka ku bilaabanaya baaris ,iyadoona la amray in kiiskan maxkamad loo gudbiyay.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaare Rooble shalay soo saaray warqad uu waxbo kama jiraan uga dhigayay shaqaale uu si musuqmaasuq ah wasiirka shaqada uga eryay kuna beddelay kuwa cusub oo u badan qabiilkiisa iyo asxaabtiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -