Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw xil cusub u Magacaabay Cabdiraxman Cabdishakuur

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhwa guddoomiyaha xisnbiga Wadajir sidoo kale kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay xil.

Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu noqdo ergayga gaarka ah ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo Bini aadannimada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana ka shaqeyn doona la socoda xaaladaha abaaraha Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, waxaana xilkan cusub ee loo magacaabay yahay mid ku cusub dowladda.

Magacaabistan ayaa imaaneysa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalintii labaad ku sugan yahay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , waxaa sidoo kale Madaxweynaha la filayaa in xilla u magacaabo xubno kale oo ku dhaw dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -