Xooggaga Wadaniyiinta iyo xubno kale oo saakay loo diiday in ay galaan Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya loo diiday in ay galaan qaar kamid ah xooggaga wadaniyiinta loo yaqaan uu aas aasay Madaxweyne Farmaajo.

Xooggaga wadaniyiinta ah ayaa ah koox si weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo oo mushaar laga siin jiray madaxtooyada, waxaana kooxdan oo isugu jirtay dhoor qeyb, kuwaa oo qaarkood xafiisyo ku lahaayeen xarunta Madaxtooyada.

Albaabada laga soo galo xarunta Madaxtooyada ayaa la dhigay warqado ciidamada lagu amrayay in aysan soo deyn karin cid aan aheyn shaqaalaha rasmiga ah ee Madaxtooyada , waxaana la diiday in lagu soo galo madaxtooyada aqoonsiyada xoogga wadaniyiinta iyo kuwa kale oo Villa Soomaaliya u sameesay taageerayaashooda.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaana fuliyay amarka la siiyay, waxa ayna saakay celinayeen xooggaga wadaniyiinta iyo xubno kale ay yaqaanaan oo awwood badan ku dhax lahaa Villa Soomaaliya intii Farmaajo joogay.

Kaararka aqoonsiga ay bixiso Villa Soomaaliya ayaa la siiyay shaqsiyaad badan oo taageero u ahaa Farmaajo, waxaana maanta albaabkooda soo xirmay dad badan oo guulwadeyn ku shaqeenayay shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Shaqaalaha rasmiga ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo aadan isbadal lagu sameeyo loona wareejiyo qaarkood xafiisyo kale oo dowladeed si ay uga shaqeeyaan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa inta badan isbadalada ka dhaca saameyn badan ku yeesha shaqaalaha iyo dad kale oo awwood ku lahaa, waxaana albaabada Madaxtooyada u furmaan dad kale oo dibad joog ahaa oo iyana soo raaca nidaamka cusub ee la wareega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -