Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga oo laga soo celiyey Magaalada Hargeysa

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya C/casiis Ibraahim Xildhibaan ayaa dib looga soo celiyay maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland

C/casiis Xildhibaan ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir muujinaya isagoo ku sugan Garoonka magaalada Hargeysa, kadib markii loo diiday inuu magaalada galo

Waxaa uu xusay in loo sheegay inuu Ajnabi yahay oo uu Baasaboor la yimaado, taasoo keentay in dib loogu soo celiyo diyaarad ku socotay magaalada Muqdisho.

“HARGEYSA:- Lagu XIDHI MAAYO, Laakiin waanu ku MASAAFURINEYNAA, anna waa oggolaaday hee… Good bye Hargeysa BACK TO MOGADISHU. PAPARAZZI aan sharci laheyn waa soo galayaan Hargeysa adigoo Soomaali ahna waa kuu diideynaa HADAL maaha..” ayuu bartiisa FB ku soo qoray afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga oo maamulka Hargeysa ay u sheegeen inay u masaafurinayaan magaalada Muqdisho.

Maamulka Somaliand  ayaan illaa hadda a hadlin dhacdada sababtay iney dib uga soo celiyaan magaalada Hargeysa, Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya C/casiis Ibraahim Xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -