Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay degaan Xeebeedka Ceel macaan? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta  gaaray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga iyo adeegyada bulshada.

Cali Guudlaawe ayaa la kulmay Kalluumeysatada deegaanka oo mudooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.

Degaanka Ceel macaan ayaa waxaa ku taalla Deked macmal ah oo sanado badan ay wax kala soo degi jireen ganacsatada Muqdisho ka hor inta aan dib loo howlgelinin dekeda caalamiga ah ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -