Digniin laga soo saaray Ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya ay kusoo celinayaan boqolaal askari iyo tababarayaal si ay taageero u siiyaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta u jooga ee ATMIS.

Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya IN ay geystaan duqeymo lagu dhibaateenayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka taxadiro dhibaatada dadka shacabka kasoo gaari karta duqeymaha, islamarkaana ay taxadir muujiyaan Ciidanka xiliga howlgallada.

“Hawl-galladii hore ee Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya waxay sababeen khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed, taas oo Mareykanku aanu ka bixin wax magdhow ah ama garowshiyo,” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda xuquuqul insaanka.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay laba weerar oo cirka ah oo uu Mareykanku qaaday bilihii February iyo March 2020 kaas oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah taas oo u muuqata in ay ku xad gudubtay shuruucda dagaalka.

Duqeymo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, mana jiraan inta badan magdhaw Mareykanka ka bixiyo shacabka ay dilaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -