Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo guddoomiyay Shir looga hadlay Shan qodob oo muhiim ah (Sawirri)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiiradda ee maamulkaasi.

Siciid Deni ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka maqnaa dalka, waxa uuna maanta shir guddoomiyay muddo dheer kaddib shirka golaha Wasiiradda maamulka Puntland oo looga hadlay qodobo dhowr ah.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa todobaadkan looga hadlay.

1.Amniga.

2.Xaaladda Xabsiyada Puntland.

3.Xaaladda cudurada faafa sida shuban-biyoodka,

4. Dhagaysiga warbixinta Guddiga ka diyaar-garowga Saamaynta Roobabka.

5.Todobaadka dhireynta Puntland.

Dood iyo falaaqayn ka dib ayada oo laga duulayo siyaasadda maamulka Puntland waxa goluhu isku raacay dar dargalinta qodobada shaqo ee ka dhashay qodobada maanta goluhu ka dooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo sabab yaab leh xilka looga qaaaday

Caydiid Ali

Nin xabsi u soo galay Musuq-maasuq & galmada qowmu Luudka oo RW loo dhaariyey

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Deni oo la caweeyey Ciyaartoy ka kala timid Muqdisho & Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---