Wararkii Ugu dambeeyay Dagaalkii Baydhabo iyo Banaan baxyo rabshada wata socda

Wararkii ugu dambeeyay aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wali xaalad kacsanaan ah ka jirto magaaladaasi, waxaana rasaas xoogan laga maqlayaa qeybo badab oo kamid ah magaalada

Dagaalkii xooganaa ee ka socday agagaarka Madaxtooyada Baydhabo ayaa xoogaa qaboobay, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadii taabacsnaaa Abuu Mansuur ay dib uga gurteen goobihii dagaalka ka bilowdeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo, dad shacab ah ayaana waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka dhacay Baydhabo.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya iyo kuwa booliiska ayaa lagu daadiyay qeybo badan oo kamid ah magaalada , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in xoog ku dajiyaan xiisada ka dhalatay Xariga Abuu Mansuur ee ka taagan magaaladaasi.

Sida aan Wararka ku heleyno shacabka magaalada Baydhabo ayaa iyaga oo careesan isugu soo baxay wadooyinka magaalada, waxa ayna shacabka ka careesan yihiin xariga maanta loo geestay Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ayaa rasaas ku kala eryaya shacabka banaan baxada dhigaya, waxaana wali magaalada ay tahay mid qasan oo laga maqlayo rasaas sidoo kale ka socdaan banaan baxyo.

Waxii warar dheeraad ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -