Madaxweynaha xaalku ku xun yahay ee Galmudug oo la kulmay Xasan Sheekh (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay booqasho, hambalyo iyo salaan ugu tagay Madaxweynaha cusub ee JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore loo doortay Madaxweynihii 10-aad ee JFS.

Qoor Qoor oo kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhawaa sidoo kale ka shaqeenayay in mar kale talada kusoo laabto Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku faraxsan yahay guushiisa uuna alle uga baryayo in xilka u fududeeyo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaan xiriir wanaagsan la laheyn madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna Qoor Qoor marar badan sameeyay tallaabooyin si weyn uga carroodeen mucaaradka Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jiri doonin aarsi siyaasadeed, hasa ahaatee dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aamnisan marka maamulka Xasan Sheekh saldhigto loo soo jeesan doono Qoor Qoor iyo Laftagareen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Farmaajo horey isugu dhiibay ayaa wajahaya xaalado adag ay kamid yihiin weerarada kooxda Ahlu Sunna iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah oo hadda sii xoogeestay saaxiibna la ah Madaxweynaha cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -