Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo saaka ka ambabaxay dalka

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka ambabaxay dalka iyagoo ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka geeska Afrika iyo xaaladihii u dambeeyay ee ku soo kordhay, iyadoo warar kale ay sheegayaan in madaxweynaha uu tababar u soo xirayo ciidamo Soomaali ah oo halkaas tababar uga socday

Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay iney hormuud u aheyd fulinta arrimaha Gobolka Geeska Afrika ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dowlada Eritrea ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ku eedeysay dowlada Qatar oo saaxiib dhow la ah dowlada Somalia inay dalkeeda ka wado xasillooni daro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada iyo abuurista falal amni daro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan booqasho ku tegay magaalada Asmara, tan iyo intii RW Itoobiya Abiy ahmed ee isbedelada waaweyn ka sameeyey geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo warbaahinta kalama hadlo safarada uu ugu baxo dibeda iyo marka uu ka soo laabto intaba, inkastoo madaxda uu la kulmo warbixino ku saabsan laga soo diro qeybta warfaafinta u qaabilsan Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -