Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Dabaaldegyo ka bilowday Muqdisho & tacshiirad xooggan oo isqabsatay

Ka dib markii caawa Madaxweynaha cusub ee Somalia loo doortay Xasan Shiikh Max’uud ayaa waxaa hawada magaalada Muqdisho is qabsatay rasaas aad u xoogan oo arintaas loogu dabaaldegayo.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo u dabaaldegaya Madaxweynaha cusub oo Somalia, waxaana soo afjarantay ku dhowaad 6 sano oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Farmaajo.

Xaalada magaalada ayaa kacsan waxaana si weyn hawada u qariyey rasaas kala nooc ah oo hawada loo ridayo, waxaana jawi cusub galay magaalada.

Dareenka dadweynaha ayaa kacsan, xamaasad badan ayaa ka muuqata magaaladana dadku waa isku hambalyeynayaan iyagoo ku faraxsan guusha caawa la gaaray, ciidamada dowlada ayaa sugaya amaanka iyagoo ka feejigan falal amaan daro.

Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa laga soo sheegayaa iney ka socdaan dabaaldegyo kan la mid ah

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

 

Related posts

Wax badan ka ogow Taariikhda Madaxweynihii mayalka adkaa ee Iran Ebrahim Raisi

Cabdi Cade

Facebook oo tirtiray qoraal uu soo dhigay Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Sargaal sare oo katirsan NISA !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---