Dad Carreesan oo xoog ku galay xarumaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Maxkamadda sare ee ….

Dibad baxayaal carreesan ayaa xoog ku galay xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo maxkamadda sare ee dalka Brazil, waxaana dadkan dhigaya dibad baxa ksoo hoprjeedaan natiijada kasoo baxday doorashadii looga guuleestay musharaxii ay taageersanaayeen.

Dadka dhigaya dibad baxyada ee galay xarumaha waa weyn ee dowladda Brazil ayaa taageero u ah madaxweynihii hore ee dalka Brazil Jair Bolsonaro, waxa ayna diideen doorashadii looga guuleestay Bolsonaro.

Kumanaan dibad baxayaal ah goobaha laga sugo ammaanka xarumahan dawladda, iyada oo qaar ka mid ah dibad baxayaasha ay u baxeen saqafka sare ee dhismayaasha, halka qaar kalena ay burburiyeen muraayadihii ku yaallay daaqadaha.

Ciidamada ammaanka ayaa xoog u adeegsaday sidii dibad baxayaasha uga saari lahaayeen xarumaha dowladda ee xoogga ku galeen, waxa ay sidoo kale xir xireen boqolaal qof oo kamid ah dadkii dhigayay dibad baxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -