Allbanaadir.com
NEWS

Dalka Jabuuti oo laga soo saarayo Tamarta laga dhaliyo Uumiga (Daawo Sawirada)

Shirkad laga leeyahay dalka Iceland, ayaa dalka Jabuuti ka fulineysa Mashruuc balaaran oo dalkaasi looga soo saarayo tamarta uumiga ee dhulka hoostiisa (Geothermal), waxaana mashruucan ku baxaya lacag gaareysa 45 Malyan oo Doollar.

Shirkadan ayaa deegaan lagu magacaabo Fiicanle oo kuyaala dalka Jabuuti ka qodeysa Sadex ceel oo laga soo saarayo tamarta uumiga ee dhulka hoostiisa, Waxaa la filayaa in tamarta korantada ee seddexdaas ceel ay daboosho 25% baahida korantada ee Jabuuti.

Wasiirka dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ee dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in mashruucan dalkiisa muhiimad gaar ah u leeyahay, waxa uuna xusay in xiligan dunidu aad u rabto  tamar nadiif.

Dalka Jabuuti ayaa rajo badan ka qabta in sanadka 2020-ka  in 100% korantada ay isticmaalayso laga dhalin doono uumiga ka soo baxa dhulka hoostiisa, waxa ayna Jabuuti hada ku tiirsan tahay Tamarta korontada caadiga oo ah mid qaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo la kulmay wefti ka socday dalka Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal katirsan maamulka Hirshabelle oo Dil argagax leh xalay ka geestay Jowhar

Cabdi Cade

Xukun lagu riday askar si bareer ah u dilay Labo Wiil oo Dhallinyaro ahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---