Carro xooggan oo ka dhalatay dil Gabar Soomaaliyeed loogu geestay magaalada Saskatoon

Soomaalida kunool dalka Canada ayaa si weyn uga carrooday dil gabar Soomaaliyeed dhawwaan loogu geestay magaalada Saskatoon ee dalka Canada, waxaana dilkan si weyn u hadal haya warbaahinta dalkaasi.

Gabadha Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Hodan Xaashi ayaa lagu dilay goob lagu caweeyo oo kutaalla magaalada Saskatoon , waxaana dilkeeda ka dambeesay gabar u dhalatay dalka Canada oo dhalo qoorta ka galisay.

Soomalaida kunool dalka Canada ayaa si weyn uga carrooday in xabsiga laga sii daayay gabadhii dilka u geestay Hodan Xaashi, waxaana warbaahinta tabisay in gabadha dilka geesatay lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaareysa 5-kun oo dollar.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Ottawa ay ku dhalatay gabadha la dilay ayaa dowladda ka dalbaday caddaalad, waxa ayan qorsheenayaan in ay dhigaan bannaan baxyo ay caddaalad ugu raadinayaan Hodan Xaashi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -