Farmaajo oo ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal in aysan dooran Madaxweyne Cusub

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed  Farmaajo mar kalana u sharaxan xilka Madaxweynaha, ayaa maanta xildhibaano tiro yar oo ku sugnaa teendhada Afisiyooni kahor aqriyay Barnaamij siyaasadeedkiisa haddii dib loo doorto.

Farmaajo ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxyaabihii wanaagsanaa ee u qabsoomay dowladda uu hoggaamiyo muddadii shanto sanno aheyd, waxa uuna ka gaabsaday ka hadalka waxyaabihii ay ku fashilantay dowladda uu hoggaamiyo.

Waxa uu sheegay Farmaajo haddii mar kale dib loo doorto in uu la imaan doono waxqabad kasii wanaagsan tii uu horey usoo qabtay, waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada codkooda lagu kala baxayo in ay taageeraan isbadalka cusub uu hormuudka u yahay.

Farmaajo ayaa sheegay in idabadalka socda uu hoggaaminayo uu dalka u horseedayo wanaag fara badan, waxa uuna sheegay in ay jiraan labo isbadal oo kala ah mid socda iyo midka fadhiidka ah ay wadaan musharaxiinta kale.

“Isbeddelka waxa uu ka yimid wax la yiraahdo isbeddel doonka fadhiidka ah oo taariikhdeena ku suntan, sidaad ogtihiin isbeddal doonka socda wuxuu ka billowdaa waqtiyadaan hadda aa joogno doorashada ah,” ayuu yiri Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal in aysan dooran Madaxweyne cusub uu tilmaamay in dalka dib u dhac u horseedayo ayna ku adkaaneyso in wax qabad la yimaado sidoo kale dalka doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo.

Waxa uu sheegay haddii isaga mar kale dib loo doorto wax waliba ay halkooda kasii socon doonaan kana shaqeyn doono in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ,haddiisa mid cusub la doorto dalka loo horseedayo dib u dhac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -