Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo gaaray magaalada Hargeysa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland gaaray saraakiil ka socda wasaaradda difaaca dalka Mareykanka , waxaana wafdiga garoonka diyaaradaha ee Cigaal kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland.

Wefdigan saraakiisha ee kasocda dalka Mareykanka ayaa ka yimid dhinaca dalka Jabuuti ,wefdigan ayaa wararku sheegayaan in uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Jabuuti ayna qeyb ka yihiin saraakiil iyo xubno kale.

Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa loo galbiyay wefdigan Mareykanka ee gaaray magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in kulamo la qaataan madaxweyne Muuse Biixi iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Somaliland.

Safarka wefdigan Mareykanka ku tageen magaalada Hargeysa ayaa imaanaya xilli billo kahor Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu booqasho ku tagay dalka Mareykanka uuna la kulmay masuuliyiin katirsan dowladda Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca Doorashada Aqalka Hoose iyo Xulista Ergooyinka oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay natiijada baaritaanka dad loo karantiilay Coronavirus

Caydiid Ali

Cumar Filish oo Hadiyad Gudoonsiiyay Duqa magaalada Durban (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---