Maamulka Trump oo soo saaray Warbixin muran dhalisay iyo Saraakiil ka hadashay

Koox saraakiil hore oo dhinaca amniga Qaranka Mareykanka ah ayaa ku booriyay Maamulka madaxweyne Trump inuu dib u eegis ku sameeyo warbixin muran badan dhalisay oo argagixisanimada ku xiriirineysa socdaalka.

Kooxdan ayaa sheegtay in warbixintan ay ka been sheegeyso xaqiiqda, iyadoo bixineysa fasiraad ah in dadka soo galootiga ah ee Mareykanka ay masuul ka yihiin inta badan weerarada argagixiso ee ka dhaca Mareykanka.

Saraakiishan oo uu ku jiro agaasimihii hore Sirdoonka Qaranka James Clapper iyo la taliyihii hore ee Aqalka Cad ee dhinaca argagixisada Richard Clarke ayaa hadalkan ku sheegay warqad qoraal ah oo ay u direen Xeer Ilaaliyaha Guud Mareynaka, Jeff Sessions iyo Wasiirka Amniga Gudaha Kirstjen Nielsen.

Qoraalka ayey ku yirahdeen “Warbixintan ayaa guud ahaan u muuqata mid loogu talagalay in lagu marin habaabiyo xaqiiqda soo galowga – waxey bixineysaa fasiraad ah in dadka muhaajiriinta ah ee soo gala Mareykanka iyo eheladooda muwaadiniinta ah ay masuul ka yihiin badankood weerarada argagixiso ee dalkan ka dhaca- halka daraasaduhu ay waaya aragnimadeenu ay na tusayaan – in aanu jirin xiriir muuqda oo ka dhaxeeya shisheeyenimada iyo argagixisada”

Warqadan ayaa waxaa wadajir u qoray 18 sarkaal oo horey ula soo shaqeeyay xukumado ay majaraha u hayeen labadaba xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga.

Warbnixinta ay naqdinayaan ayaa soo baxday bishii Janaayo ee sanadkan – waxaana si wada jir ah u sii daayay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha, iyagoo sheegay in tan iyo 11kii bishii September weeraraddii ka dhacay Mareykanka afartii qof ee lagu helay argagixiso caalami ah – sadex ka mid ah ay ajnabi ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -