Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Mahadcelin ugu tagay guddoomiyaha golaha shacabka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa salaan iyo Hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo dhawaan ku guulaystay xilka Gudoomiyaha golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadiisa.

Axmed Madoobe ayaa Gudoomiyaha gollaha shacabka uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland si dadka gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa galabta soo gaaray Muqdisho, waxaana isla galabta guddoomiyaha gollaha shacabka fasaxay Xildhibaanadii Ceel-Waaq lagu soo doortay oo khilaaf ka jiray.

Related posts

Farmaajo oo xilkii ka qaaday Maxamed Axmed Jimcaale, Mid cusubna ku bedelay

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheysan maanta lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Muhaajiriin iyaga oo Qaawan la aray iyo Turkiga iyo Gariiga oo Khilaaf ka dhax abuuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---