Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheysan maanta lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

War goordhaw kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay In ka badan 30 dagaallame oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal maanta ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug.

Howgalkan oo maanta ciidanka xoogga ka fuliyey dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow, Koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo Al Shabaab ku lahayd deegaankaas, waxaana kooxdaasi lagu gaarsiiyey Khasaare xoog leh.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey xarumo Al Shabaab ku lahayd deegaankaas, waxaana lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ay ku jiraan horjoogeyaal .

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay la beegsanayaan goobaha Al Shabaab gabbaad ka dhiganayaan.

Goobaha howlgalku beegsaday waxaa ka mid ah goob firxadka Khawaarijtu isku aruursanayeen waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogg leh.

 

Related posts

Deegaano ka tirsan Sh/dhexe oo sanado ka dib ka baxay gacanta Al-shabaab

Caydiid Ali

Madaxda Iran iyo Sacuudiga oo kawada hadlay dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo goordhaw la shaaciyay iyo Arday badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---