Daawashada Ciyaaraha Horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo lacag laga dhigay

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliya gaar ahaan horyaalka heerka koobaad iyo heerka labaad daawashadooda hada kadib laga dhigay lacag.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in wax laga bedelay nidaamkii hore ee taageerayaasha garoomada ku geli jireen iyaga oon bixin wax lacag ah.

Waxa uu sheegay Cali Shiine in sannadkan dhaqan gelinayaan go’aamo cusub oo ka bedelan kuwii hore ay kamid yihiin in lacago laga qaado taageerayaasha kooxaha kubadda cagta ee horyaalada labada heer.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaan wali shaacin cadada lacagta taageerayaasha ku galayaan garoomada, waxa sidoo kale xiriirka lacago dheeraad ah kusoo rogeen shirkadaha xayeesiimaha ku sameesta gudaha garoonka.

Go’aankan kasoo baxay xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawwaan dib loo bilaabayo horyaalka kubadda cagta Soomaaliya oo muddo hakad ku jiray kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -