Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo taagan kala hadlay Maadxweyne kuxigeenka Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa  hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha ee dhawwaan dhaceyso.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Guddoomiyaha gollaha shacabka iyo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland kawada hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan Xildhibaanada Gedo lagu soo doortay.

Maamulka Jubbaland ayaa dadaalo badan ku bixinaya sidii xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq u noqon lahaayeen kuwa sharciyad sax ah heesta kana qeyb gala doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawwaan shaaciyay in xal ka gaarayaan khilaafka ka taagan xildhibaanada 16-ka ah ee lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -