Madaxtooyada Puntland oo si adag u beenisay Hadal kasoo yeeray Duqa Muqdisho

Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay hadal la sheegay in uu kasoo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish oo ahaa in Puntland iyo Jubbaland doonayaan in lakala diro dowlada hada jirta.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa nasiib daro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ee ah in Puntland dooneyso in lakala diro dowlada federaalka.

”Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntland & Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo.” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish ayaa markii uu fashilmay shirkii Afisiyooni kadib ku eedeeyay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in aysan dooneyn in heshiis laga gaaro doorashada ayna la yimaadeen shuruudo iyaga u gaar ah.

 

- Advertisement -