Maxay ka wada hadleen Shiikh Adan Madoobe & Madaxweynihii hore ee K/Galbeed? (Sawirro)

Gudoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Kulanka oo ujeedkiisu ahaa  salaan iyo hambalyayn ayaa ku soo idlaaday jawi wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Xogheynta golaha shacabka Somalia.

“Waxaan maanta Hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). waxaan ugu hambalyeeyey Xilka culus ee loo doortay. Intaas ka dib Waxaan ka wada hadalnay Arimaha Doorashooyinka oo meel fiican Maraya iyo sidii ay si nabdoon ugu dhici laheyd doorashada Madaxweynaha oo maanta loo jad-weleeyey 15-May” ayuu sidoo kale yiri shariif xassan oo qoraal kooban ku baahiyey baraha bulshada.

Shariif Xassan oo dhowr soo noqday Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa sanadkan laga hor joogsaday inuu u tartamo kursiga Xildhibaanimo, talaabadaasoo uu ka dambeeyey Madaxweynaha xilka haya ee Koonfur galbeed C/casiis Laftagareen.

- Advertisement -