Axmed Karaash oo tijaabiyay awoodiisa iyo Madaxweyne Deni oo laga war sugayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sidoo kale hada ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wajahaya dagaal siyaasadeed kaga imaanaya kuxigeenkii Axmed Karaash.

Siciid Deni oo Muqdisho u jooga ololaha doorashada Madaxweynaha uu u sharaxan yahay ayaa dagaal dhabar jebin ah kala kulmay kuxigeenkiisa oo shaaciyay in awoodda iyo talada Puntland isagu la wareegay maadaama Saciid Deni Puntland ka maqan yahay.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa markii uu shaaciyay in uu talada la wareegay sameeyay go’aano uu ku tijaabinayay awoodiisa, waxa uuna magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug, isagoo sidoo kale agaasimayaal iyo xilal kale magacaabay.

Siciid Deni ayaa si degdeg ah uga hor yimid magacaabista iyo xil ka qaadista uu Sameeyay kuxigeenkiisa Axmed Karaash,waxa uuna Deni sheegay in isagu yahay Madaxweyne uuna joogo meel Soomaaliya kamid ah walina xukunka Puntland gacantiisa ku jiro.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa xalay mar kale ku dhaqaaqay go’aan kale uu awooddiisa ku tijaabinayo, waxa uuna xilka ka qaaday labo kamid ah wasiiradda ugu awooda badan Puntland saaxiib dhawna la ah Madaxweyne Deni.

Xil ka qaadista uu sameeyay Axmed Karaash ayaa isha lagu hayaa waxa uu ka dhihi doono Madaxweynaha Puntland, waxaana dadka siyaasada falanqeeya rumeesan yihiin in tani uga sii dareyso khilaafka taagan ayna adag tahay in xil ka qaadistaasi shaqeyso.

Madaxweyne Deni ayaan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay wasiiradda saaxiibadiisa ah, waxaana la filayaa in Deni soo saaro wareegto uu uga hor imaanayo xil ka qaadistaasi oo abuurtay xaalad kale oo siyaasadeed.

Puntland ayaa mar kale dhaxda kaga jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhax aloosan Madaxweynaha mamaulkaasi oo sidoo kale u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa oo isna ka faa’iideesanaya fursada xilligan soo martay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -