(Sawirro) Ciidanka Puntland oo guluf dagaal ka wada duleedka Boosaaso

Ciidamada kala duwan ee amniga Puntland ayaa maalintii 2aad howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada duleedka magaalada Boosaaso iyo degaanada ku teedsan Buuraleyda Galgala.

Hawlgalka ayaa daba socday weerarkii Al-Shabaab habeen hore ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso, kaasoo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa dagaalo goos goos ah ay dhexmareen ciidamada Puntland iyo Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo isku fara saaray dhulka buuraleyda ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland sameeyeen ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen, halka qaar kalena ay dileen raggii weerarka ku soo qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay xabsiga ka sii daayeen 400 oo maxbuus. Balse Puntland ayaan ilaa hadda warkaasi xaqiijinin ama beenin, iyadoo warar ku dhow dhow Puntland ay sheegeen inay wali wadaan baaritaano ku aadan tirada dhabta ah ee baxsatay.

Xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso ee weerarka ay Al-shabaab ku ekeeyeen ayaa la sheegay inay ku xirnaayeen boqollaal maxaabiis ah, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah u xukunnaayeen amaba ku eedaysnaayeen falal aragaxisnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -