Guddoomiyaha guddiga Doorashada Madaxweynaha oo goordhaw la doortay (Sawirro)

Guddiga isku dhafka ah ee Labada Aqal ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha guddigaasi.

Guddoomiyaha guddiga isku dhafka ee ka shaqeenaya qabashada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa isku soo sharaxay labo Senator iyo xildhibaan katirsan gollaha shacabka.

Codeyn la sameeyay ayaa guddiga waxa ay guddoomiye u doorteen Senator Cabdiqani Geele Maxamed oo helay 10-cod halka Maxamed Axmed beereey helay 5 cod, waxaa sidoo kale 2-cod kaliya helay Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Guddiga doorashada ee iska soo xuleen labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa la filayaa in ay soo saaraan jadwal iyo habraac loo marayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in dhawaan dalka ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -