Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo sii kordhaya xilli doorashada dhawdahay

Waxaa sii badanaya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee isku soo taagaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in maalmaha soo socda lagu qabto teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee sannadkan ayaa ah mid aad u adag oo xamaasad badan wadata, waxaana doorashada isku soo taagay in ka badan 20-musharax ay ku jiraan kuwa aad u saameyn badan.

Xilli la filayo in bishan gudaheed doorashada Madaxwqeynaha Soomaaliya qabsoonto ayaa waxaa sii kordhaya musharaxiinta xilkaasi damacaa uga jiro, waxaana Muqdisho xaflado ku qabsanaya siyaasiyiin iyo ganacsato doonaya in Madaxweyne isku soo sharaxaan.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in musharaxiinta badan ee isku soo sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya damacooda uusan aheyn in xilkaasi helaan balse qaarkood magac ku raadinayaan halka kuwa kalana ay xilal siyaasadeed ku raadinayaan.

Musharaxiinta loo saadaalinayo ku guuleesiga kursiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka badneen ilaa shan musharax kuwaa oo loo badinayo in midkood kursiga kusoo baxo, inkastoo suurto gal tahay in wax is bedelaan.

Loolanka doorashada ayaa sii kululaalay kaddib markii kooxda talada dalka hada heysa ee Nabad iyo Nolol looga adkaaday doorashadii guddoonka labada aqal, waxaana loo badinayaa in Madaxweynaha booskiisa isna isbadal ku yimaado oo Farmaajo meesha ka baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad hubeesan oo ka dhac ka geesaneysay xaafad katirsan Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dibed-bax looga soo horjeedo Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Beyle oo shaaciyey War wanaagsan oo ku saabsan deymaha Somalia lagu leeyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---