(Sawirro) Taliyihii saldhig Booliska Waaberi & dad kale oo lagu dilay Qarax ismiidaamin ah

Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Saldhiga booliska degmada waaberi oo ku yaala Gargaarka agagaarka Isgoyska Dabka ee wadada Maka al Mukarama

Qarax ayaa geystay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah

Taliyaha Saldhiga Axmed Baashane ayey wararku sheegayaan inuu ku geeriyooday qaraxan waxaana dhaawacyo ay soo gaareen Saraakiil iyo Askar ku sugnayd saldhiga.

Isku socodkii wadada maka al-mukarama ee dadka iyo gaadiidka ayaa joogsaday, iyadoo agagaaarka saldhiga lagu arkayo meydad iyo dhaawacyo waxyeeloo ka soo gaartay qaraxa  oo aha mid aad u xoogan.

Ciidamada amaanka DF ayaa halkaas xiray, waxaana sidoo kale gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta oo halkaas ka daad gureynaya dadka qaraxa wax ku noqday

La soco wixii soo kordha



- Advertisement -