Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay ku sugan yihiin Ciidamada ATMIS

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday xero ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee degmada Mahadaay.

Sida aan wararka ku helnay qaraxyada ismiidaaminta ah ee xerada ciidamada Burundi lagu weeraray ayaa kadib waxaa saldhigaasi u daatay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab kuwaa dagaal toos ah xerada ku galay.

Ciidamada ATMIS ee ku sugnaa xerada oo badankood dagaal diyaar u aheyn hurdana ku jiray ayaa argagax ka qaaday qaraxyada iyo rasaasta xigtay, waxaana halkaasi ka bilowday dagaal toos ah oo labada dhinac dhaxmara.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in xerada ciidamada ATMIS kaga sugnaayeen deegaanka Ceel Baraf la wareegeen , waxa ayna sheegeen in halkaasi ku dileen ciidamo badan oo kasoo jeeda dalka Burundi.

Dadka deegaanka Ceel Baraf ayaa ku waramaya in ay maqlayeen jug culus iyo rasaas aad u xoogan, waxaana deegaanka sidoo kale isaga baxay ciidankii milatariga Soomaaliya ee horey ugu sugnaa.

Wali lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan qaraxyada ku bilowday oo Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf, waxaana wali adag in war rasmi ah laga helo deegaanka weerarku ka dhacay.

Waxii warar kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -