Korneyl Saney Cabdulle oo ka badbaaday isku day dil iyo Ciidamo badan oo laga laayay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe qarax miino lagu weeraray kolonyo gaadiid ah uu la socday Korneyl Saney Cabdulle oo kamid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Shaxe , waxaana qaraxan ku dhintay toban askari. halka tiro kale oo ciidamada katirsan uu kasoo gaaray qaraxa dhaawacyo kala duwan .

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa waxaa ka badbaaday korneyn Saneyn Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii Badbaado qaran, waxaana kolonyadada gaadiidka la weeraray saqdii dhaxe ee xalay kusii jeedeen magaalada Jowhar.

Sargaalkan iyo ciidankiisa ayaana xalay saqdii dhaxe safarkooda ku aaday si aan xogtooda loo helin uga badbaaday qaraxyo waddadaasi la dhigo, waxaasa dad badan isweediiyeen cida bixisay xogta safarka sargaalkan oo saqdii Dhaxe Jowhar u socdaalayay.

Ciidamadii ku dhintay qaraxan ayaa la geeyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halka ciidankii dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo lagu daweenayo dhaawacyadooda.

Korneyl Saney Cabdulle oo ah nin awood badan ku leh gobolka Shabeelaha Dhaxe iyo Waqooyiga Muqdisho ayaa marar badan ka badbaaday qaraxyo iyo weeraro la doonayay in lagu dilo kuwaa uu qaarkood ku dhaawacmay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -