Banaan bax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay banaan bax  looga soo horjeeday in faragalin lagu sameeyo doorashada dhawaan la filayo in halkaasi ka dhacdo.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa kuwa lasoo abaabulay ayaa ku dhasaaqayay ereyo ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya ay ku eedeenayeen in faragalin ku heyso doorashada Jubbaland.

Banaan baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay kamid ahaayeen ” Waxaan diidnay in la faragliyo doorashada Jubbaland dibadda iyo gudaha , mana aqbaleyno”

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay banaan baxa ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, Odayasaha iyo dadka Jubbaland in ay kawada shaqeeyaan nabad galyada kana hortagaan cid kasta oo qal qal galin karta amaanka .

Banaan baxan ayaa u muuqday mid ay soo abaabuleen xubno taageersan Axmed Madoobe Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland, waxaana dadka isugu soo baxay banaan baxa la sheegay in ay u badnaayeen Taageerayaasha Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -