Shirkii Puntland ka dhacay Ma Wadatashi buu ahaa Mise Kalatashi !!

Waxaa magaalada Garoowe ku soo dhamaaday shir loogu magacdaray “Shirka Wadatashiga Puntland” oo uu soo agaasimay maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin kala aragti duwan, qurbo joog, aqoonyahano ku kala tagsan jiheynta siyaasadda Puntland iyo tan Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah isimada deegaanadaas.

Ujeedadda shirka waxaa lagu sheegay wadatashi reer Puntland ka yeelanayaan tayaynta hay’adaha maamulka Puntland, iyo adkaynta midnimada dowladnimada Soomaaliya!

Shirkaas oo socday muddo seddax cisho ah, waxaa gunaanadkii laga akhriyay “Warmurtiyeedka Shirka” oo ka kooban 11 (kow iyo toban) qodob oo dhammaantood ka turjumayey aragtida hal dhinac, oo ah mucaaradka dowladda dhexe. Waxaan tixgelin la siin aragtiyada ay qabeen mucaaradka gudaha ee ku kacsan maamulka hadda ka jira Puntland, muxaafadka dowladda dhexe, iyo aragtida isimada oo ahayd in meel dhexe la iskugu yimaado.

Qodobbada Shirka Garoowe laga soo saaray waxay ahaayeen kuwo lagu taageerayay mowqifka ay maamulka Puntland ka qaadatay ismarin-waaga kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Intii uu meerinayey qodobbada shirka Mudane Cabdi Faarax Juxa, waxaa shirka si cadho ah uga baxay xubno iskugu jira​y wasiirro iyo xildhibaanno, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan dowladda dhexe. Taasi waxay muujinaysa inaan la tixgelin aragtidooda.

 Hadabba, ujeedadda shirka ma waxay ahayd wadatashi mise kalatashi?

Marka la darso nuxurka qodobbada laga soo saaray Shirka waxa loo fasiran karaa maamulka Puntland inuusaan aqoonsanayn hay’adaha saldhigga u ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya oo ah labada gole (aqalka sare iyo golaha shacabka) ee baarlamaanka Soomaaliya. Maadaama aysan oggolayn sharciyada ay ansixiyeen labada aqal, islamarkaasna uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aannada Shirka waxay aad ugu dheeraadeen dhaliilaha Dowladda Federalka oo dhan walba ah, waxayna siinaayaan talooyin cad cad maamul gobolledka Puntland. Waxayna siinayaan tallooyin cad cad, kuwaas oo ay ku cad yihiin kow iyo tobanka qodob.

Haddaan soo qaadno qodobka 4aad oo cinwaankiisu yahay “Xiriirka Dawladda Federaalka” wuxuu taabanayaa laba qodob oo ah kuwa ugu daran oo kala ah: (b) Dastuurka ay labada Gole ansixiyeen; iyo t) Sharciga Dooroshooyinka.

Go’aannada Shirka waxay dhaliilayaa hanaanka dibu-eegista Dasruurka, iyagoo ku eedeyey inay Dowladda Federalka “si ula kac ah” u baalmartay hannaankii lagu heshiisay ee dibueegista dastuurka, taas oo ah in la tixgelin inay Maamul goboleedyada ka mid noqdaan Guddiga Madaxbannaan ee dibueegista dastuurka.

Shirka wuxuu ku “baaqaayaa kuna adkaynaayaa Maamulka Puntland in dib-u-eegista Dastuurka DFS dib loo dhigo ilaa muddo-xileedka dawladda imanaysa ka dib doorashada 2020/2021, si loogu helo waqti waafi ah iyo wada tashi buuxa.”

Xagga Sharciga Doorashooyinka waxuu go’aanka Shirka noqday in sharcigan uu leeyahay “caqabado aasaasi ah oo aan la aqbali karin una cuntami karin mustaqbalka Dalka Soomaaliya.” Inkastoo go’aanka u tixaayo afar qodob, haseyeeshee laalistiisa waxaa sabab u ah: Inuusan ka gudbin nidaam beeleedka; iyo in dalkaba ​dhamaantii uusan ku jirin gacanta dawladda.

Shirka wuxuu ku go’aan-talinaayaa baaqa qodobka 5aad kasoo qoraya in “Saaamilayda Siyaasadda isugu yimaadaan shir wada tashi si looga heshiiyo qaabkii loo qaban lahaa doorashada 2020/2021.” Taasoo caddaynaysa in shirka uu ka soo horjeedo inay ​qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, dhamaadka muddo xileedka baarlamaanka.

Shirka wuxuu qodobka 7aad ku dhaliilay dhismaha, qalabaynta iyo hoggaanka ciidanka la dhisay wuxuuna ku tilmaamay inay “dawladdu dhisayso ciidan dhinac u raran oo aan isu-dheellitirmayn khatarna ku noqon kara amniga, xasillonida, iyo wadajirka dalka.” Sidaas daraaddeed, shirka wuxuu kula talinaayaa “maamulka Puntland inay xisaabtan dhab ah la gasho Dawladda Federaalka iyo dawladaha gacanta ku siiya.”

Waxaa kaloo muuqda in shirka uusan u bogin siyaasadda dayn cafinta ay garwadeenka ka tahay dowladda dhexe. Shirka wuxuu si qeexan uga horimanaya wadiiqada ay Dowladda Federalka u martay dhismaha ciidanka XDS. Dib u dhiska ciidamka iyo deyn cafiska waxaa lagu tilmaamay guulo ay gaartay xukuumadda, sida ay qireen beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed!

Haddaba, dad badan ayaa isweydiinaya waa maxay welwelka haya madaxda maamul-goboleedka Puntland?

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan in maamulka Puntland cabsi ay ku abuurtay dadaalka dowladda dhexe ku doonayso inay dalka ka dhismaan maamul goboleedyo wadashaqayn dhow la yeesha xukuumada dhexe, iyo gadoodka shacabka Puntland, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Waxaa xaqiiqa ah in maamulayaasha Puntland aaminsan yihiin, in kacdoon bulsho ​xukunka looga tuuri doono hoggaanka Puntland, haddii meesha laga saaro maamulka Axmed Madoobe oo awooddiisa lagu soo koobay gobolka Jubbada Hoose ahna midka keliya ee ku haray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee aan wadashaqaynta la lahayn xukuumadda dhexe.

Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”

W/Q Saciid Cabdisalaam

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -