Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo War ka soo saaray doorashada Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka BFS

Maraykanka ayaa bogaadiyey doorashadii gudoonka cusub ee golaha shacabka baarlamanka Somalia ee ka dhacday magaalada Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay Baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

Sidoo kale safaarada maraykanka ayaa dalbatay in la dedejiyo doorashada Madaxweynaha Somalia.

“Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada Madaxweynaha.” ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.

 

Related posts

Duqa Muqdisho oo dalab muhiim ah hordhigay QM, kana hadlay afduubkii Sonja Nientiet

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo dilay xubno katirsan Al Shabaab Hubkii ay wateena la wareegay

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo shacabkiisa ugu baaqay iney hoos u dhigaan dhalmada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---