Rooble , Siciid Deni iyo Madax hore hore oo Socod Dhoolo tus ah ku maray Garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Madaxweynayaal hore iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kulan looga hadlayay amniga guud ee dalka iyo kan Doorashada ku yeeshay  xarunta saldhiga Booliska ee AirPort -ka Aadan Cadde.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliya ee shaqo joojinta lagu sameeyay Jeneraal Xijaar iyo saraakiil kale, waxaana inta uu kulanka socday diirada lagu saaray doorashada guddoonka gollaha shacabka iyo amniga doorashada.

Madaxda ayaa kulanka ay yeesheen diirada ku saaray qabsoomida doorashada guddoonka gollaha shacabka oo maanta loo ballansanaa iyo sidii laga yeeli lahaa ciidamada booliiska ee xildhibaanada qaar u diiday in teendhada Afisiyooni soo gaaraan.

Kulanka kaddib ayaa madaxda waxaa socod u muuqday dhoolo-tus waxa ay ku mareen guddaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana madaxdan wajiyadooda ka muuqday dhoola cadeyn.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo saakay Muqdisho kusoo laabtay ayaa isaga oon nasan dadaal badan u galay sidii loo qabnan lahaa doorashada guddoonka gollaha shacabka loogana gudbi lahaa caqabadah taagan.

Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaan wali qabsoomin, waxaana wali teendhada Afisiyooni ka maqan xildhibaano badan iyo sidoo kale qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka guddoonka gollaha shacabka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -