Xildhibaano badan ay ku jiraan kuwii lagu doortay Ceel-Waaq oo gaaray Teendhada Afisiyooni

Waxaa teendhada Afisiyooni kusii qul qulaya xildhibaano badan oo katirsan gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, halkaas oo goordhaw la filayo in ay ka bilaabato doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa dadaalo badan ay sameeyeen ku guuleestay in  waddooyinka loo furo Xildhibaanada gollaha shacabka qaarkood oo saakay loo diiday  in ay teendhada galaan.

Xildhibaano badan ay ku jiraan kuwii lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq ayaa gudaha u galay teendhada Afisiyooni, waxaana fashil kusoo dhammaaday in teendhada laga celiyo xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq.

Guddoonka KMG ee gollaha shacabka iyo guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegay in doorashada dhaceyso, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan doorashada guddoonka gollaha shacabka ka bilaabato teendhada Afisiyooni.

Xildhibaano u badan kuwii lagu soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Hay’adda NISA kasoo galay baarlamaanka ayaan wali imaan teendhada la filayo in doorashada guddoonka gollaha shacabka ka dhacdo.

Waxii warar kusoo kordha doorashada kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -