Musharxiin isku diiwaangeliyay Doorashada guddoonka labada Aqal (Sawirro)

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka iyo kuxigeenadooda.

Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa isku diiwaangeliyay doorashada Guddoomiyaasha labada aqal iyo kuxigeenadooda, waxaana musharaxiintaasi oo buuxiyay shuruudaha la siiyay shahaado.

Musharaxiinta maanta qaatay shahaadada isna diiwaangeliyay waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale xilkaasi isku soo taagay.

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiyaha Aqalka sare isna isku soo sharaxay wasiirkii Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Senatar Saalax Axmed Jaamac , waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo iyana isku soo taagay kuxigeenada guddoonka labada Aqal.

Doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare iyo kuxigeenadiisa  ayaa la qorsheeyay in la qabto 26-ka bishan halka Guddoomiyaha Gollaha shacabka iyo kuxigeenadiisa iyana la qabanayo 27-ka bishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -