Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Sawirro) Qaraxyo lala beegsaday xarumo Waxbarasho oo ku yaalla Magaalada Kabul

Qaraxyo lala beegsaday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan  ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan arday iyadoo ay ku dhaawacmeen 17 kale.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo ismiidaamin ah sida uu sheegay afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran, waxaana Isbitaalada xaaladaha degdega ee magaalada la geeyey Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo ku jiray xaalad halis ah.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dugsiga sare ee Abdul Rahim Shaheed Shaheed iyo meel u dhow Dugsiga Hoose ee Hooyooyinka oo dhowr kiilomitir isku jira, waxaana weerarkan cambaareeyey maamulka Taliban.

Inkastoo aysan jirin weli koox sheegatay weerarkan haddana Kooxda dowlada Islaamiga ee loo yaqaan ‘Khorasan’, ama IS-K, ayaa horay u bartilmaameedsaday iskuulada gaar ahaan xaafadaha Shiito Dast-Barchi. Bishii May ee sanadkii hore, bilo ka hor inta Talibanku awooda la wareegin in ka badan 60 carruur ah, oo ah gabdho u badnaa ayaa lagu dilay weeraradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=V_29pprABuc

Related posts

Mo Farax oo kaalin aan laga fileyn ka galay tartan lagu qabtay dalka Gabon (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaraya Wasiirro katirsan Isra’il

Cabdi Cade

Maxkamadda ciidamada oo Dil iyo xabsi ku riday dhallinyaro Tiktokley iyo askar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---