Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowladaha Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milateri (Sawirro)

Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub, kaasoo ku saabsan sidii ay labada dawladood iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada difaaca iyo mileteriga.

Heshiiskan ayaa waxay ku kala saxiixdeen labada dawladood shirka bandhigga 16-aad ee diyaaradaha, kaasoo ka socda Magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas lemma megersa, halka Imaaraadka Carabta uu u saxiixay Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga Mohamed Bin Ahmed Al-Bowardi.

Wasiirka Difaaca Itoobiya Lemma megersa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid ku salaysan sii xoojinta danaha labada dal, isagoo xusay in faahfaahinta heshiiskan dib laga faahfaahin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya iyo Sacuudiga oo…

Cabdi Cade

Waa kuma Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya?!!

admin

DEG DEG: Madax goboleedyada & Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---