Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax ayaa caawa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah degaanada ku teedsan jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday bam gacanta laga tuuray uu ku habsaday goob ay joogeen ciidanka ilaalada Suuqa Tabeellaha ee lacagaha Canshuurta ahna ka qaada.

Laba Askari ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen qaraxaas halka lix Ruux oo qaarkood ay shacab yihiina ay ku dhaawacmeen sida sheegeen ilo xog ogaal ah.

Isbitaal ku yaalla Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyey  dadka ku dhaawacmay qaraxan halkaasoo lagu dabiibayo.

 

Related posts

Al Hidaaya Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

admin

Dad loo xiray dilal ka dhacay Muqdisho iyo Taliska booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay qaraxii lagu weeraray xarunta Degmada Howl Wadaag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---