Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Xariga ka jaray xarun Wasaaradeed oo si qurux badan loo dhisay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay iyo sida wakhti kooban loogu soo dhameystiray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Qorsheynta, oo loo dhisay hab casri ah, waana tallaabo lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland , Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS, Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Madax katirsan IOM (Sawirro)

Cabdi Cade

Rooble oo xilka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Cadaaladda (Sawirro)

Cabdi Cade

Ingiriiska oo ka yaabay waxii ka dhacay xarunta Golaha Ammaanka ee QM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---