Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho kula kulmay Madax katirsan IOM (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo howlo shaqo u jooga Muqdisho ayaa qaabilay Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda IOM, Mohamed Abdiker, Madaxa Xafiiska IOM ee Soomaaliya, Frantz Celestin iyo qaar kamid ah saraakiisha Hay’adda.

Madaxweynaha iyo madaxda hay’adda IOM ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadista mashaariicda hormarineed, gurmadka abaaraha iyo dhisidda hay’adaha kala duwan ee dowladda Galmudug.

Madaxda ka socotay Hay’adda IOM ayaa u ballanqaaday Madaxweynaha Galmudug in maamulkiisa ka caawin doonaa fulinta mashaariic kala duwan iyo taageerida dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo magaalada Muqdisho u yimid shirka golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato wakiillo katirsan Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Dab xoogan oo caawa ka kacay Magaalada Garoowe

Caydiid Ali

Q/M oo Puntland ugu baaqday hirgelinta heshiis nabadeed oo dhax mara SSC iyo Somaliland

Cabdi Cade

Sheekh Shariif iyo Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---