Madaafiic lagu garaacay xarunta ay ku shirayeen Xildhibaanada Labada Aqal ee Villa Hargeysa

Waxaa goordhaw soo dhammaaday kulankiii wadajirka ahaa ee Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya maanta ku meel marinayeen xeerka doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Kulanka xildhibaanada labada aqal ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa xarunta Villa Hargeysa oo kulanka Baarlamaanka ka dhacayay banaankiisa  kusoo dhacay tiro madaafiic ah oo lagu soo garaacay .

Madaafiicda ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabataymarka uu soo dhammaaday kulanka wadajirka ah ee yeesheen xildhibaanada labada aqal, waxaana khalkhal xooggan laga dareemay xarunta Baarlamaanka .

Waxaa jira khasaaro dhaawac oo ka dhashay madaafiicda lagu garaacay xarunta ay ku shirayeen xildhibaanada labada aqal, waxaana madaafiicdan imaaneysaa xilli uu fashilmay isku day la doonayay in kulanka lagu baajiyo ama lagu foodeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -