Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xubno la socday oo Kismaayo gaaray (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Mudane Muuse Geelle ayaa goordhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan ku-xigeenka guddiga iyo labo xubnood oo kale oo katirsan guddiga FEIT ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo xubno kale.

Ujeedka socdaalka guddiga ayaa daaran korjoogtaynta doorashada 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo sido kale kursiga berri lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee summadiisu tahay HOP#079.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawwaan go,aamiyay in doorashada 16ka kursi ee horey loogu asteeyay Garbahaarey loo wareejiyo degmada Ceel-Waaq ee gobolks Gedo.

 

https://www.youtube.com/watch?v=fTRUX_QOROk

Related posts

Dayax gacmeed la filayo in markii ugu horreysay uu u dhawaado qoraxda

Cabdi Cade

Daawo:- Qoor-qoor oo ka hadlay kulankii Guddiga ka baaraan degaya doorashada

Caydiid Ali

Saciid Ciise “Hogamiyeyaasha Wanaagsan waxey gaaraan yool ay adag tahay in la gaaro”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---