Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha caalamka: “Madaxda Soomaalidu waa inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed”

Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.

Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go’aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo.

Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Related posts

Ilhan Cumar oo dooneysa in ciqaab adag la marsiiyo Maxamed Bin Salmaan

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo degaano cusub lagala wareegay, lagana gubay xarun Maxkamad

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Albert Félix Marie (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---