Ilhan Cumar oo dooneysa in ciqaab adag la marsiiyo Maxamed Bin Salmaan

Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa bilawday olole balaaran ay ku dooneyso in lagu ciqaabo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Xildhibaanadan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku dooneyso in Aqalka koongareeska cuna-qabateyn adag ku saaro Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in Maxamed Bin Salman door weyn ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi, loogu geestay magaalada Istanbuul, waxa ayna ku baaqday in Maxamed Bin Salman loo ciqaabo doorkii uu dilkaasi ku lahaa.

“Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka” ayey tiri Ilhan

Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xiro ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa isbuucii hore cuna-qabateyn saartay in ka badan 60 qof oo u dhashay Sacuudiga ay ku jiraan Saraakiil iyo xubno kale oo aad ugu dhawaan Maxamed Bin Salman kuwaa oo dilka door ku lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -