Wiilashii ciidanka NISA ku dileen Suuqa Bakaaraha oo la sheegay ineysan Al-shabaab aheyn

Waalidinta labo wiil oo ay maanta ciidamada amniga ku dileen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkii la dilay ay ahaayeen qof shacab ah iyo ciidan, xili dowladda Soomaaliya sheegtay iney dishay Al- Shabaab.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Amniga qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen labo nin oo uu ku sheega iney ahaayeen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray.

Balse Caalin Maxamed Mire oo Adeer iyo Abti u ah labada Wiil ayaa Warbaahinta Muqdisho qaarkood u sheegay in wiilasha la dilay oo lagu kala Magacaabo Mowliid Axmed Maxamuud iyo C/qaadir Xersi Aadan Salaad ay kala ahaayeen Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Guutada Daljir iyo Tima Jare caan ka ah Xaafadda Tarabuunka.

Waxaa uu intaas ku daray in wiilka tima jaraha ah uusan wadan wax hub ah balse wiilka askariga ah uu watay bastoolad uu ugu talo galay inuu Al-Shabaab isaga difaaco, wuxuuna xusay in ciidanka qabtay labada wiil ay ahaayeen dharcad, wiilka bastoolada watayna uu bilaabay inuu isdifaaco markii uu ka shakiyey ciidanka qabtay.

Waalidiinta dadka la dilay ayaa sheegay iney hayaan cadeymo rasmi ah, ayna dalbanayaan in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -