Allbanaadir.com
NEWS

Rasaas ka dhax socota Xabsiga weyn ee Hargeysa iyo Maxaabiis hub qaadatay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa sheegaya in jeelka weyn ee magaalada Hargeysa xilligan ka socoto rasaaas u dhaxeysa maxaabiis qoryo qaadatay iyo ciidamada ilaalada xabsiga.

Sida aan wararka ku heleyno maxaabiista ku xirnaa xabsiga ayaa hub ka qaatay askar katirsan ciidamada asluubta kuwaa oo weerar ku qaaday ciidamada asluubta ee ilaalada hayay xabsiga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ka dhaceysa gudaha xabsiga magaalada Hargeysa , waxaana halkaasi gaaray ciidamo kale oo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Somaliland si ay xaalada u dejiyaan.

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=E9hAS0eRiug&t=52s

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii Hotelka Tawakal iyo Xog ku aadan cidda ku sugneyd

Cabdi Cade

Fiqi oo shaaciyey in Puntland ay iska diiday taageerada DF

Caydiid Ali

Nin Tv-ga Qaranka sheegeen in uu ahaa Horjooge katirsan Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---