Guddoomiyaha Guddiga doorashada iyo xubno la socda oo gaaray Baydhabo (Sawirro)

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga FEIT ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed .

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka heer federaal iyo xubnaha la socda ayaa Baydhabo u tagay xal u helista xasarada ka dhalatay saddex kursi oo katirsan kuwa lagu doortay Baydhabo oo hakiyeen guddiga doorashada sidoo kale laaleen natiijadooda.

Waxaa lagu wadaa in guddoomiyaha guddiga doorashada iyo xubnaha la socda la kulmaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen iyo masuuliyiin kale kalan ahadlaan xal u helida xiisada taagan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa diiday in Xildhibaanada Koonfur Galbeed qaataan shahaadada xildhibaanimo , waxa uuna ku eedeeyay Guddiga doorashada heer federaal iyo xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble in ay isbaaro u dhigteen Koonfur Galbeed.

Safarka maanta ku tageen magaalada Baydhabo guddiga doorashada heer federaal ayaa imaanaya xilli beri oo khamiis ah loo ballansanaa in la dhaariyo xildhibaanada qaatay shahaadada, lamana oga in safarkan uu dib u dhigi doono dhaarista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -