Guddiga Doorashada oo Baaq u diray Xildhibaanada aan weli Shahaadada qaadan

Guddiga doorashada heer federaal ayaa wali wada bixinta shahaadada la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee dooran, waxaana sidoo kale socota diyaar garowga dhaarinta Xildhibaanada.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashada heer federaal Mowliid Mataan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meel wanaagsan mareyso shahaado siinta xildhibaanada, waxa uuna cadeeyay in hada shahaadada qaateen in ka badan 204-Xildhibaan.

Mowliid Mataan ayaa ugu baaqay xildhibaanada labada aqal ee aan wali qaadan shahaadada xildhibaanimo in ay soo gaaraan xaruntooda ayna qaataan shahaadada si loo guda galo dhaarinta xildhibaanada.

” Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada labada aqal aan wali qaadan shahaadada in ay yimaadaan xarunta oo qaataan, Xildhibaane waxa kaliya ee looga gudbi karo dhibka hada jira waa in Xildhibaanada la dhaariyo si looga gudbo xaalada hada lagu jiro” ayuu yiri Mowliid Mataan.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashada heer federaal ayaa sheegay in hada socoto diyaar garowga dhaarinta Xildhibaanada labada aqal ee qaatay shahaadada, waxa uuna tilmaamay in rajo ka qabaan in xaflada dhaarinta dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wali diidan in ay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna qaataan shahaadada, lamana oga in dhaarinta xildhibaanada saameyn ku yeelan doonto khilaafka wali taagan gaar ahaan diidmada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -