Kursiga Fahad Yaasiin oo la sheegay in uu qabo dhiig badan dadna u dhinteen dartiis !!

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay afarta kursi ee guddiga doorashada heer federaal ku dhageen amarna ku bixiyeen in mar kale lagu laabto doorashadooda.

Waare ayaa sheegay in saddexda kursi ee lagu celiyay maamulka Koonfur Galbeed iyo kan Fahad Yaasiin uu farqi u dhaxeeyo, waxa uuna ugu baaqay guddiga doorashada iyo Ra’isul Wasaare Rooble in ay fasaxaan kuraasta Koonfur Galbeed lagu celiyay.

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed in khilaaf abuureen kuraasta lagu celiyay Koonfur Galbeed, waxa uuna tilmaamay in aysan doorashada socon karin iyada oo ay maqan yihiin in ka badan 70-xildhibaan oo laga soo doortay Koonfur Galbeed.

ā€œWaxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kuraasta 3-da ah,ā€ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa dhanka kale sheegay in kursiga Fahad Yaasiin uu ka duwan yahay kuraasta kale uuna yahay kursi dhiig badan dartiis u daateen dhibaato badana ka dhalatay, waxa uuna ku baaqay in kursigaasi aan marnaba la fasaxin.

Waxa uu sheegay Waare in kursiga Fahad Yaasiin xoog ku qaatay lana boobay xilli dhiig dureero Baledweyn, waxa uuna cadeeyay hadii la fasaxo kursigaas in ay ka dhigan tahay in la aqbalay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan.

ā€œKursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegsaday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna calaamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog badanahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa, Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii codeeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas waxay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.ā€ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabelle.

Kursiga Fahad Yaasiin kusoo guuleestay ayaa wajahaya caqabado badan, waxaana guul daro kusoo dhammaatay tallaabooyin badan uu Fahad Yaasiin u qaaday sidii loogu fasixi lahaa kursiga uu kasoo qaatay magaalada Baledweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -